Dibadbaxyada rabsho isu badalay oo ka dhacay Muqdisho! –

Isgoyska Fagax oo bar kulan u ah Degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan & Hiliwaa waxaa maanta ka dhacay dibadbax kooban oo Rabsho isku badalay markii dambe, waxaana israsaaseyn dhexmartay Ciidamada la sheegay in ay joogeen Isgoyska iyo koox hubeysan.

Inta la xaqiijiyay 4-ruux ayaa dhaawac soo gaaray, waxa ay kasoo muuqdeen muuqaal laga duubay oo baraha Bulshada lasoo dhigay, waxaana loo qaaday Goobaha Caafimaadka si loo daweeyo.

Muddo kooban kadib xabadda ayaa joogsatay, iyada oo aysan jirin cid kala dhexgashay dhinacyada is rasaaseeyay, waxaana goobta ku kala cararay dadkii isu soo baxa kawaday Isgoyska Fagax.

Dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin dibadbaxyada ka dhacay qaybo kamid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana saacadihii lasoo dhaafay baraha Bulshada lagu iclaaminayay isu soo bax ka dhan ah hab maamulka Doorashada 20/21 ee DFS.

Askar wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkay waddooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana durba bilawday hadal heyn ka dhalatay, maadaama dibadbaxa & ciidanka isu soo beegmeen.

Haddaba, Dibadbaxyada sidee ayay u saameyn karaan Doorashada iyo Xaaladda cakiran ee dhanka Siyaasadda?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More