Dowladda Qater oo soo dhaweysay hanaanka dayn cafinta…

Dowladda Qatar ayaa soo dhaweysay Go’aanka Dayn-cafinta ee Soomaaliya waxa ayna bogaadisay hanaanka Maaliya ee Xukumada Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

qoraal lagu soo daabacay Barta Twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Qatar ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan Go’aanka ay Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ku gaareen dayn-cafinta Somalia.

Dowladda Qatar waxay sheegtay inuu Go’aankaasi yahay Tallaabo mhiim ah Tubtii ay Somalia ku gaari karto Deganaansho iyo Barwaaqo.

- Advertisement -

Qoraalka ka soo baxay Dowladda Qatar waxaa loogu hambalyeyeey DFS iyo Dadka Somalia guusha ay ku gaareen dadaalkooda xooggan.

Dowladda Qatar waxay kaloo sheegtay inay taageero ka geystaan dadaalladda Horumarinta Somalia ee sanadihii la soo dhaafay, isla markaana ay maalgeliyeen Mashaariicda Horumarka iyo Kaabayaasha Asaasiga iyo abuurista Hay’adaha shaqo-abuurka, Deganaanshaha iyo horumarinta Mustaqbalka

Hadalka qoraalka ee lagu soo daabacay Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar waxaa kaloo lagu shaciyey in Go’aanka Taariikhiga ee Dayn-cafinta Somalia inay bilow u tahay Waaga Cusub ee Somalia, isla markaana Dowladda Qatar ay sii wadi doonto inay is-garab taagaan dadka Soomaalida ee ka wada shaqeynaya Mustaqbalka Ifiya ee dalkooda.

Dowladda Qatar waxay ka mid tahay Dowladaha taageeradda maaliyadeed la garab taagan Hay’addaha DFS, kana qeyb qaata Hawlaha soo-celinta Nabadda, Deganaanshaha iyo Horumarka.

Sanadkii la soo dhaafay, Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim BinXamad Al-thaani waxa uu si toos ah Miisaaniyadda DFS ugu taageera lacag dhan 73 million ee Riyaalka dalka Qatar (QR), kadib, markii uu Madaxweyne Farmaajo kula kulmay caasimadda dalkaasi ee Doha bishii Feberaayo 27-dii ee sanadkii 2019-kii.

Dowladda Qatar waxaa la sheegaa inay galaangal xooggan ku lahayd Doorashadii Madaxtinimadda ee uu Madaxweyne Farmaajo ku guuleystay bishii Feberaayo 8-dii ee sanadkii 2017-kii.

- Advertisement -

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy