Erdogan oo war kasoo saaray wada-hadallo ay la

Ankara (Axadle) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta sheegay in Turkey ay wada-hadalladii ugu horreeyey Taalibaan kula yeelatay magaalada Kabul, isaga oo intaas ku daray in Ankara ay weli qiimeyneyso codsi ka yimid kooxda oo ah inay maamulaan garoonka diyaaradaha Kabul. 

Erdogan ayaa sheegay in wada-hadallada ay ka dhaceen qeybta militari ee garoonka diyaaradaha Kabul, halkaasii oo xarun ku-meel gaar u ah safaaradda Turkey.

“Waxaan wada-hadalladeenii ugu horeeyey la yeelanay Taalibaan, waxayna qaateen saddex saac iyo bar,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha. “Haddii ay lagama maarmaan noqoto, waxaan fursad u heli doonnaa inaan wada-hadallo noocan ah yeelano mar kale.”

Isaga oo ka jawaabayey cambaareynta gudaha Turkey ka imaneysa ee la xiriirta la-macaamilka kooxdan, ayaa Erdogan waxa uu sheegay in Ankara aysan laheyn ikhtiyaar ay sida tiir oo kale isaga taagnaato gobol aan deganeyn. 

“Ma ogaan kartid waxa ay doonayaan iyo wax aan dooneyno haddii aynan wada-hadalin. Waa maxay diblomaasiyad, saaxib? Tani waa diblomaasiyad,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan. 

Turkey ayaa qorsheyneysay inay gacan ka gaysato xaqiijinta amniga garoonka Kabul, hase yeeshee waxay Arbacadii billowday inay ciidamadeeda kala baxdo Afghanistan, kadib markii sida muuqata ay Taalibaan diiday. 

Erdogan ayaa sheegay in Taalibaan ay hadda dooneyso inay sugtno amnig garoonka, halka ay Ankara u yaboohday inay maamusho qeybta farsamada iyo adeegga ee garoonka.  

Hase yeeshee waxa uu sheegay in qaraxii is-miidaaminta ee dilay 85-ka qof, oo ay ku jiraan 13 askari oo Mareykan ah, kaasi oo shalay ka dhacay banaanka garoonka, uu muujinayo muhiimadda inaad taqaan sida loo sugo ammaanka garoon diyaaradeed.

 “Waxay yiraahdeen: ‘Innagaa sugeyna amniga, adinkana waxaad maamuleysaan garoonka’ Weli go’aan kama gaarin arrirntan,” ayuu yiri Erdogan. 

“Waxaan go’aan gaari doonnaa marka xasillooni la helo.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More