Faah-faahin: Guddoomiyihii Bajaajleyda Muqdisho oo la dilay…

Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Xuseen Jeelle Wehliye oo ahaa Wade Bajaaj isla markaana Guddoomiye u ahaa Guddi ay ku mideysan yihiin Wadayaasha Bajaajka Caasimadda dalka ku sugan.

Qaar kamid ah Wadayaasha Bajaajka ayaa Axadle u sheegay in Dilka Xuseen uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Banaadir iyo Digfeer Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wadayaasha waxa ay dalbadeen in cadaaladda la horgeeyo gacan ku dhiiglaha dilay Guddoomiyahoodii, waxaana ay sameeyeen dibadbax ka dhan ah falkaas.

- Advertisement -

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka Wadaha Bajaajka uu ka dambeeyay Askari katirsan DFS oo ay Murmeen kahor inta aan la toogan Xuseen Jeelle.

Ehelka Marxuumka iyo saraakiil katirsan Booliiska Soomaaliya ayaa qaaday, waxaana socda baaris ay wadaan Ciidamada ammaanka Dowladda si ay uga sal gaaraan Kiiskaan sida Axadle ay u sheegeen ilo kala duwan.

Darawada Bajaajka oo ka careysan dilkaas waxa ay sameeyeen dibadbax ay ka bilaabeen Isgoyska lagu toogtay Xuseen Jeelle Wehliye, waxa ay isugu tageen Isgoyska Dabka, waxa ay ku qaylinayeen Ereyo ka dhan ah ficilka dilka ah.

Muqdisho kuma cusbo dilalka loo geysto Wadayaasha Bajaajka waxaana dhowr jeer la diiwaangeliyay dilal ay ku lug leeyihiin Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

14-kii bishaan waxaa wade bajaaj nin watay Gaari nuuca Raaxada ah ku dilay xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy