Fahfaahino lahahelay qaabka uu u dhacay shilkan lama filaanka ah

336,540

BELEDWAYNE, Hiiraan – Dooni ay saarnaayeen ku dhowaad 20 mas’uuliyiin ayaa kula rogmatay bartamaha Webigga Shabelle qaybtiisa gobolka Hiiraan, maanta oo Isniin ah.

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Afrax iyo Duqa Degmada Baladweyne Safiyo Xasan Cali Jimcaale ayaa ku jira xubnaha la socday Doonidan.

Madaxdan ayaa waxay kusii jeedeen deegaanka Ceel-Jaale ee ku yaalla duleedka magaaladda caasimadda ah ee Baladweyne, xarunta gobolka Hiiraan.

Dad kale oo shacab ah ayaa lagu waramayaa in ay saarnaayeen Doonta, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan tobban ruux.

Afrax iyo Safiyo si lamid ah tirro shacab ah ayaa laga soo badbaadiyey shilkan, sidda ay Warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka gobolka.

“Balse waxaan ku howlan nahay in aan soo badbaadino qaar kamida shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal uu maamulka uu u sheegay saxafadda.

Dadka nolol iyo geeri lagu la’yahay waxaa kamid ah lataliyaha arrimaha haweenka Madaxweynaha HirShabelle iyo askar ilaalo u ahayd. Cabsida dhimasho ka dhalatay shilkan ayaa jirta.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku waramaysa in isla markii Doonidu degtay ay badbaadiyeyaasha ahmiyadda koowaad siiyeen madaxda.

Ujeedka socdaalkooda ayaa daarnaa si ay usoo indha-indheeyaan xaaladda tuuladda maadaama ay kamid tahay meelaha uu ku fatahay Webigga.

Daadadka ayaa ka dhashay rooban mahiigaan ah oo ka da’ay qaybo kamid ah dalka, kaasoo biyo badan dhigay Webiyadda kana dhasheen Fatahaadyo.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Axadii, 27-ka October 2019, sameysay Guddi, kuwaas oo waajibaadkoodu yahay sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dhibaneyaasha.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More