Faysal Waraabe: Biixi wuu ila dagaallamay, hooyadayna wuu caayay

1,785

HARGEYSA, Somaliland – Faysal Cali Waraabe, hogaamiyaha xisbiga UCID, ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu isaga “la dagaalamay” isla markaana “uu caayey” hooyadii.

- Advertisement -

Talaabooyinkan ayuu Biixi qaadey xili ay ku wada sugnaayeen Madaxtooyadda, sidda uu ka dhawaajiyey Faysal Waraabe.

“Waan qarinayay, madaxweynuhu wuu ila dagaallamay hooyadayna wuu caayay, caagad uu gacanta ku hayayna wuu igu soo tuuray anigoo xafiiskiisa jooga,” ayuu u sheegay BBC-da.

Ma uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheegashadiisa oo kusoo aadaya iyaddoo ay jirto xurguf xoogan. Dhinaca kale, xafiiska Biixi wali kama jawaabin eedeynta.

“Waxaan ku idhi iska daa Ramaax waa xogayahaygii arrimaha gudaha e’ isna wuxuu i yidhi waa seeddigay,” ayuu ku daray.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo Faysal Waraabe ay ku furan tahay dacwad laga gudbiyey oo taala Maxkamadda magaaladda Hargeysa, oo ku saabsan in uu u gefay qoyska Muuse Biixi.

Faysal iyo Biixi ayaa kulmay si ay u xaqoojiyaam xiisadda ka dhalatay hadalka hogaamiyaha UCID oo ahaa in qoyska madaxweynaha Somaliland ay dhul-boob kawadaan Hargeysa.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More