Gabar Soomaali Mareykan ayaa loo doortey golaha degaanka Lewiston

3,224,116

Safiya Khalid ayaa Talaadadii ka adkaatay tartame kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga taas oo ay kaga guuleysto kursi Golaha Magaalada Lewiston.

- Advertisement -

Taasi waxay ka dhigeysaa Safiya, oo 23 jir ah, qofkii ugu horreeyay ee Soomaali Mareykan ah oo loo doorto golaha . Dhanka kale waxaa ay noqoneysaa qofka ugu da’da yar ee ku fadhiista kursiga golaha.

Tartanka doorashada Golaha degaanka Magaalada Lewiston ee Dalka Mareykanka ayaa la soo gaba gabeeyay waxaana Safiya ay ku soo baxday 69.6% codkii ay dhiibteen dadka Magaaladaas ku nool.

Waxaa ay doorashada kaga adkaatay xubin ka mid ah Xisbiga Dimuqraadiga oo ay iyadaba ka mid tahay.

Sanadkii 2017kii ayaa iyada oo 20 jir ah waxaa ay u tartantay guddiga waxbarashada ee Magaalada inkasta oo aysan ku guuleysan.

Safiyo Khaalid oo 23 jir ah ayaa noqotay gabadhii ugu horreeysay ee Soomaali ah kana mid noqota golaha degaanka Magaalada Lewiston ee Gobolka Main ee dalka Mareykanka.

Xilka Golaha degaanka ee ay ku guuleysatay waxaa hayay Jim Lysen, kaas oo aan sanadkan tartamin in ay guuleysatana isaga ayaa qeyb ka ahaa waxaana uu u ololeeyay sidii iyada loo dooran lahaa.

Ilhaan Cumar oo hadda ah Xubin ka mid ah Aqalka hoose ee Mareykanka ayaa ololaheeda siyaasadeed ka soo billowday Magaalada Mennisotta ee dalka Mareykanka,waxaana ay 2016 loo doortay in ay noqoto Gabadhii ugu horreysay ee Muslim Afrikaan ah xubinna ka noqota aqalka hoose ee Mareykanka.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More