Gacan ka hadal ka dhashay Xiisadda Ahlu Sunna Iyo DF Soomaaliya

Tacshiirad u dhaxeeysa ciidamo kala taabacsan labadda dhinac ayaa laga soo wariyey magaalooyin kala gedisan.

3,665,832

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Isku dhac u dhaxeeya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ayaa Sabtida maanta ah laga soo warinayaa magaalooyin hoos-yimaadda Galmudug xili ay jirto xiisad siyaasadeed.

- Advertisement -

Iska hor-imaad koowaad oo ka dhacay degmadda Matabaan ayaa galaaftay nolosha xubno labadda dhinac ka kala tirsan.

Warar lagu kalsoon yahay oo uu helay warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in ciidanka dowladda ka tirsan ee Matabaan gaarey ay galbinayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye

Xoogaga Ahlu Sunna ee ku sugnaa magaaladaas ayaa is hortaag ku sameeyay kolanyadda Sabriye, taas oo keentay dagala fool ka fool ah.

Xuseen Salaad Ibraahim, gudoomiyaha Ahlu Sunna ugu magacaaban Matabaan, ayaa ku eedeeyay askarta Wasiirka in ay bilaabeen xaabadda.

“Waa waxba kama jiraan,” ayuu u sheegay VOA-da markii la waydiiyey hadii ay is hortaageen in ay gudaha magaaladda galaan kolanyadda Sabriye. “Annaga dhankeena hal askari ayaa naga geeriyooday,” ayuu raaciyey.

Saraakiisha ciidanka dowladda oo sheegtay in ay qabsadeen magaaladda Matabaan ayaa diidey in ay ka jawaabaan dalabyo ku aadan in ay hadlaan.

Dhinaca kale, tacshiirad u dhaxeysa ciidanka dowladda iyo xubno ka tirsan Ahlu Sunna ayaa laga soo tabiyey isla maanta magaaladda Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Illo wareedyo ayaa u sheegay GO in iska hor-imaadka uu yimid markii dagaalyahano ka tirsan Ahlu Sunna ay ku amareen askarta in ay hubka dhigeen, taasoo keentay is-fahamwaa kadib gacan ka hadal dhalisay.

Goobjoogeyaal kala duwan oo khadka teleoonka lagu wareystay ayaa shaaciyey in tirro shacab ah oo meesha ay wax ka dhaceen ka akdhowaa ay waxyeelo kasoo gaartay xabadaha ay is-weedaarsadeen labadda dhinac.

Xaaladda magaalooyinka ay shaqaaqooyinkan ka dhaceen ayaa haatan ah mid degan, wallow la dareemayo saameynta oo ah hadalheynta dadweynaha oo aad u muuqata.

Ahlu Sunna iyo xukuumadda ayaa isku maandhaafsan hanaanka loo maamulo dhismaha “Galmudug loo midyesan”, waxaana iminka ay xaaladdu u muuqataa mid lugaha kasii galeysa wax laga dhigayey oo ah gacan ka hadal.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More