Galmudug oo war yaab leh kasoo saartay

Dhuusamareeb (Axadle) – Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudg, Axmed Shire Falagle oo la hadlay idaacada Kulmiye ayaa beeniyey in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay la wareegen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyne, xilli shalay ay kooxdaas qabsatay labada magaalo.

Wasiir Falagle ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug ay isaga baxeen furumihii hore ee koonfurta gobolka Mudug, midaasi oo la rumeysan yahay inay keentay in Al-Shabaab la wareegto deegaanadaas.

“Furimaha iyo deegaanadaas (Camaara iyo Bacaadweyne) anaga ayaa joogna oo goobuhu waa sidoodii, waxba kama jiraan oo ciidamadeena waxay joogaan Camaara dusheeda, Bacaadweyne waa kasii shisheeyaan iyo Shabeellow,” ayuu yiri Wasiir Falagle.

“Ciidamo meel ka baxay majiro, dagaalkana waa ku wada jirnaa ciidamada dowlad goboleedka iyo dowladda federaalka, hadalladaasna waa boron-bogaado.”

Wasiirka ayaa gebi ahaanba diiday inay jiraan deegaano ay ka baxeen ciidamada xoogga iyo daraawiishta Galmudug iyo in deegaano laga qabsaday, xili ay soo baxeen in shalay dagaal-yahanada Shabaab dib u qabsadeen deegaano dhowr ah oo ka mid ah gobolka Mudug, oo ay ka mid yihiin Bacaadweyne iyo Camaara.

Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ay qabsashadan u suurta-gashay kadib markii deegaanadaas ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Galmudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in halkaas ay halkaas ku sugan yihiin maleeshiyo badan oo aad u hubeysan oo kooxdan ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa shalay war ay soo saartay ku sheegatay in deeganada ay qabsadeen aysan ku koobneyn oo kaliya Bacaadweyne iyo Camaara, balse ay sidoo kale la wareegeen gacan ku haynta deegaanada Qaycad, Shabeellow, Sabeena, Gowraca, Gaadaay iyo Laas Gacamaye.

Deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara ayaa toddobaadyadii tegay waxaa dagaallo dhowr ah ay ku dhexmareen ciidamada qaranka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, ayada oo dhowr jeer gacan ku hayntooda ay ku kala wareegtay labada dhinac.

Dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Camaara Talaadadii, ayey dowladdu sheegtay in Al-Shabaab looga dilay 90 maleeshiyo oo duqeymo lala beegsaday, halka Al-Shabaab ay sheegatay inay ku qabsatay 14 baabuurta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More