Generaal Odowaa oo booqday Xerada tababarada Har-qaboobe ee…

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray deegaanada Galmudug ayaa maanta kormeer ku tagay Dugsiga tababarka ciidankaHar-qaboobe ee degmada Guriceel oo ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan kuwa qaybta 21 aad ee Ciidanka Xoogga dalka

- Advertisement -

Xerada Har-qaboobe oo ku taala duleedka degmada Guriceel ayaa waxaa ku xaraysan ciidamo dowlada Soomaaliya sheegtay in loo carbinayo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab oo maamula deegaano iyo degmooyin ka tirsan ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Mudug Iyo Galgaduud.Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Taliyaha Qaybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Gen Cabdicasiis Qooje, Taliye xigeenka Qaybta iyo Taliyaha Dugsiga Har-qaboobe ayaa warbixin ka siiyay xaalada Ciidamada xeradan kujira Taliyaha Xoogga iyagoo tilmaamey in lagu guuleestay kasoo gudbida marxalado adag oo Ciidamadan lagu diyaarinayay haatana loo joogo waqtigii lasiin lahaa waajibaadkooda shaqo iyo Agabkooda Ciidan .Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor

Taliyaha Xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa Ciidamada Dugsigan kujira iyo Saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey waxa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda iyo Ciidan.Image may contain: one or more people, crowd, child, sky and outdoor

Gen Odowaa ayaa u sheegay ciidamada in dhawaan la qalabayn doona isla markaana looga baahanyahay in ay gutaan shaqooyinka loo igmada, ilaaliyaan anshax ciidanka Soomaaliyeed oo mudooyinkii dambe u muuqday mid soo kabanaya.Image may contain: 8 people, outdoor

Talisyada Ciidanka Xoogga dalka ee deegaanada Galmudug ayaa maanta heegan la galiyay waxaana taliyaha ciidanka Xoogga dalka booqan doonaa dhamaan talisyada Ciidanka si uu ugu kuurgalo shaqooyinka Ciidanka iyo agabyada ay u baahanyihiin.Image may contain: 5 people, outdoor

Dhanka kale taliyaha Guutada 15aad ee qaybta 21 aad ee CXDS Gen Mascuud Maxamed Warsame Iyo Saraakiil Kale oo katirsan Guutada ayaa gaaray maanta gaaray Degmada Cabudwaaq Ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.Image may contain: 4 people

Sababta socdaalka taliyaha ayaa la sheegay in ay la xariirto xalinta ciidamo ka tirsan qaybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka oo dhawaan ka gadooday Magaaladda Dhuusamareeb saldhigna ka dhigtay degmada Caawduwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Horaantii July sanadkii tagay ee 2019, ayaa Gobolka Galgaduud waxaa tagay taliyihii ciidanka Xoogga dalka Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe waxa uuna halkaasi ka furay dhowr dugsi oo tababar looga furay Maleeshiyaad deegaanka ah oo ay qaramaysay Xukumadda Faderaalka Soomaaliya.Image may contain: 4 people, people standing, sky and outdoor

Axadle Guriceel.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More