Golaha Shacabka oo Aqrinta 2-aad iyo dood gelinaya Wax Ka…

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta oo sabti ah kulan ku leh Xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah ugu shaqeeyo Golaha, maadaama Xaruntooda la sheegay in dib u dhis lagu sameynayo.

- Advertisement -

Fariin loo diray Xildhibaannada waxaa lagu wargeliyay in kulankooda maanta uu ku saabsan yahay aqrinta labaad ee Wax ka badalka Sharciga Xisbiyada Siyaasadda iyo dood loo fasaxayo Mudanayaasha.

Xildhibaannada waxaa la faray in ay xaadiraan kulankooda maanta si kooramka dalka uu u dhameystirmo, loogana fogaado baaqasho iyo dib u dhac ku yimaada fadhiga Golaha Shacabka BFS.

14-kii Bishaan ayay guda galeen Aqrinta koowaad ee Hindise sharciyeedkaan, Xildhibaanno xarunta ka hadlay waxa ay ku kala aragti duwanaayeen muhiimadda wax ka badalka Sharciga Xisbiyada Siyaadda.

Guddoomiyaha Aqalka Shacabka BFS Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in qodobkaan uu muhiim u yahay qabsoomidda Doorashada Dalka, maadaama qodobo kale oo kabaya ay meelmariyeen.

Kalfadhiga 7-aad Golaha Shacabka ayaa furmay 6-dii June 2020, wixii xiligaas ka dambeeyay waxa ay guda galayeen qodobo sal u ah qabsoomidda Doorashada Dalka gaar ahaan codeyn dadweyne.

Qodobada ay meelmariyeen Xildhibaannada waxaa kamid:

1-Kuraasta Haweenka Xildhibaannada ku fadhiyaan haatan in kaliya ay ku tartami karaan Dumar oo kaliya.

2-Kuraasta matalaadda Gobolka Banaadir oo 13-Xubnood laga siiyay Golaha Aqalka sare Baarlamaanka Soomaaliya.

3-Kuraas badalka Xildhibaannada oo ay u codeeyeen xubinta Baarlamaanka katirsan uu geysan karo Dowlad Goboleedka uu u arko in aan lagu faragelin Karin.

4-Xeerka Kuraasta Goballada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi).

Sidoo kale waxaa hortagtay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka, dib ayay ugu laabteen miisaaniyadda iyo ajandayaal kale.

Golaha Shacabka oo ansixiyay in gobolka Banaadir 13 kursi laga siiyo Aqalka Sarre.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka.

Golaha Shacabka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerka kuraasta gobollada Waqooyi ee dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay in Kuraasta Haweenka ku fadhiyaan aan lagula tartamin.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More