Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland oo meel mariyay…

Kulan ay yeesheen Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland waxa ay ku ansixiyeen Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Maamulkaas oo uu soo magacaabay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa kulanka ka sheegay in muhiim ay tahay in xubnaha Guddigaan la wareegaan howlaha shaqo ee horyaalla oo ay kamid tahay qabashada Doorashada laga sugayo ee xubnaha Guddigaas.

Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor

Cabdishariif Yuusuf Jibriil waxa uu shaaciyay in kulan gaar ah oo ay yeesheen kadib ay soo saareen shan xubnood oo si ay u dhameystiraan howlaha oo fursad u heystaan wax ka yar 24-saac.

Guddoomiye Jibriil ayaa tilmaamay in berri xili la qaban doono doorashada lagu kala saarayo musharixiinta Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacadaha xuquuqda Aadanaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Image may contain: one or more people, people sitting, living room, table and indoor

Xildhibaannada ayaa cod geliyay xubnaha Guddiga uu shaqadooda ku xiran Ansixintooda, waxa ay cod-bixinta u dhacday qaab gacan-taag ah, waana la ogolaaday sida uu Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

“Mudanayaal waan soo saarnay Guddiga doorashada, maadaama aan heysan waqti sidaas u badan waa in aan u codeynaa, si ay u guda galaan Doorashada waa in aan halkaan isugu imaano berri 7:30AM, Doorashadu waxa ay dhaceysaa 8:00AM” .

Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa kala ah:

Xil. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye

Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin

Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin

Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin

Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin.

Image may contain: 2 people, people sitting

Xubnaha Guddiga ayaa qabana la socodka iyo dabagalka xuquuqda Aadanaha, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More