Guddoomiyihii muddada Muqdisho ‘ugu xayirnaa’ NISA oo maanta…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa galabta ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho, isagoo ku sii jeeda degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana maanta garoonka loogu sameeyey maamuus iyo sagootin.

Saraakiil boolis ah oo uu hor kacayo Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa guddoomiyaha ka soo gelbiyey hotel uu ka deganaa Caasimadda Muqdisho, waxuuna Macalimuu aad ugu mahad celiyey Ra’iisul wasaare Rooble iyo Taliska Booliska oo arrintiisa ku soo baxay, waxna ka qabtay.

Macalimuu ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho waxa uu ku shaaciyey in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, isagoo ra’iisul wasaare Rooble uga mahad celiyey tallaabadii xil ka qaadista aheyd ee sarkaalkaas uu ku sameeyey.

Sidoo kale guddoomiye Macalimuu oo maanta warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in wax badan ay iska bedeleen shaqadii garoonka, kadib markii uu Rooble xilkii ka qaaday Cabdullahi Kullane.

“Waxaan Umadda Soomaaliyeed u sheegayaa in amarkii Ra’iisul wasaaraha uu dhaqan galay oo qof maanta garoonka laga celinayo uusan jirin, hotelkii aan joogay saakay waxaa iga soo kaxeeyey ciidamada booliska, si nabad ah ayaana ku dhoofayaa, hada kadibna waxaan rajeynaa qof aan dembi laheyn cid celin karta ma jirto, dalku doorasho ayuu gelayaa madaxweyne sax ah allaha nasiiyo,” ayuu yiri Macalimuu oo warbaahinta la hadlay inta uusan u duulin degmada Luuq.

Cismaan Nuur Xaaji ayaa horay u sheegay in ugu yaraan seddax jeer laga soo celiyey garoonka Aadan Cadde, isagoo eedeynta xayiraadii saarneyd 7-dii bilood ee la soo dhaafay dusha ka saaray Madaxii hore ee shaqalaaha NISA Cabdullahi Kullane oo maalin ka hor uu Rooble xilka ka xayuubiyey.

“Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan,” ayuu shalay yiri guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More