Gudoomiyaha Wanlaweyn oo loo fasaxay shaqadiisa.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Shaqadiisa Dib ugu fasaxay Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow Cabdiraxmaan.

- Advertisement -

Guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo Guddoomiye ku xigeenka qorsheynta Nuur Axmed (Nuur Baadiyow,) ayaa Shaqada laga joojiyey 12-kii Bishii April ee sanadkan,kadib markii lagu eedeeyay soo jeedin ka timid Guddiga isku dhafka ah ee loo xilsaaray colaad beeleed xilligaasi ka taagnaa degmadaasi Walanweyn oo lagu eedeeyay in ay ka qayb qaateen dagaalkaasi.

Warqad kasoo baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed oo la ogeeysiiyay, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, Agaasimaha Wasaaradda, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda & Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Shaqadiisa loogu fasaxay Guddoomiyaha degmada Walanweyn.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More