Hogaamiyaha Uganda oo RW Guulleed & Marwada 1 aad ee dalka

Hogaamiyaha Uganda, Yoweri Museveni oo madaxtooyadiisa Kampalla ku qaabilay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya iyo Marwada Hogaamiyaha 21 October 2020.

Hogaamiyaha waqtiga dheer ka arimiya Uganda, Yoweri Museveni, ayaa is-barbar-dhig wuxuu u sameeyay waddankiisa iyo Soomaaliya oo ay ka joogaan ciidamo ka tirsan howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Hadalkaan ayaa yimid ka kadib kulan uu Madaxtooyadda Kampala kula qaatay marwada koowaad ee Soomaaliya, Saynab Cabdi Macalin, iyo wafdi ay horkaceyso oo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed uu ku jiro.

Sidda uu qoray bogga Chimp Reports, socdaalka wafdigaan ayaa daaran ka qeybgalka xaflad Khamiista maanta ah lagu daafurayo warshad sonkorta sameysay oo ay Uganda ka hirgelisay haweenay ganacsato Soomaali ah.

Shirkadda oo muddo bilooyin ah si tijaabo ah usii shaqeyneysa ayaa lagu magacaabaa Atiak, waxaana iska leh Dr Aamina Xirsi Moghe.

Museveni oo wafdiga qaabilay kahor munaasabada furitaanka ayaa kala hadlay arrimo khuseeya Soomaaliya iyo xiriirka laba geesoodka ah.

Isagoo is-barar-dhig sameynaya, Uganda ayuu sheegay in ay u kala qeybsan tahay qabiil ahaan iyo diin ahaan, balse Soomaaliya aysan sidaas ahayn.

“Markii Dhaqdhaqaaqa Iska-caabinta Qaranka uu xukunnka qabsaday 1986-dii, dalka [Uganda] wuxuu u kala qeybsamay diin ahaan iyo qabiil ahaan. Soomaaliya way ka mideysan tahay dhanka diinta, balse waxay ku kala tagtay dhanka qabiilka. Aan wada eegno danaha guud ee u wanaagsan dadkeena. Shirkadan waxay xoojin doontaan ganacsiga iyo horumarka labadeena qaran,” ayuu yiri.

Raysul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulleed Khadar oo kulankaasi bartiisa Twitter-ka uga falceliyay waxa uu sheegay in isaga iyo Marwada 1 aad ee dalka ay Museveni kala hadleen “kor u qaadista xiriirka labada dal”.

Guulleed ayaa qiray in maanta oo Khamiis ah ay furidoonaan Warshadda Sonkorta ee Atika “oo caddeyn u ah xirfadaha ganacsi ee Soomaalida” sida uu sheegay Mr Guulleed oo safar shaqo ku jooga Kampalla.

Chimp Reports ayaa intaas ku daray in Museveni uu Soomaalida ugu baaqay in ay midoobaan iskana baabi’iyaan fekerka salka ku haya qadiyada qabiilka.

Uganda ayaa waxaa degan Soomaali badan oo isugu jirta qaar u tagay dano waxbarasho iyo shaqo, kuwa qaxooti ku ah iyo tirro kale oo ku sugaya fursad ay uga sii gudbaan dibadda, inkastoo Yoweri Museveni 67 jir ah ay ka soo yeereen hadalo gaf ku ah sharafta Dowlad-nimadda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More