Hogamiye Deni oo Guddoomiyaha Gobolka Mudug u magacaabay…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo buuxin doona Howlaha shaqo ee uu ka geeriyooday Axmed Muuse Nuur.

- Advertisement -

Xilkaan waxaa loo magacaabay Cabdiladiif Muuse Axmed (Sanyare) oo la dhashay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee lagu dilay qarax Ismiidaaminta loo adeegsaday ee dhacay 17-kii May 2020-ka.

Muddo 40-cisho ayuu banaanaa xilkaan, waxaana madaxweyne Deni uu saacadihii lasoo dhaafay Gaalkacyo dhankeeda Waqooyi uu ka wada wadatashiyo uu la sameynayo ehelka Sanyare.

Warqadda kasoo baxday Hogamiye Deni ayaa u qoran sidan:

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Gaalkacyo : 27 June 2020 : Madaxweynaha Xukumadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Hogamiye Lr. 49 Juun 27, 2020, ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Madaxweynaha Xukumadda Puntland

Markuu arkay: ​Dastuurka ​Xukumadda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay:​ Baahida loo qabo dar-dar gelinta Maamul ee Gobolka Mudug

Markuu arkay:​Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdiladif Muuse Nuur (Sanyare) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More