Hogamiye Deni oo Magacaabay Guddiga qaban-qaabada 22-sano…

Hogamiyaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay 8-xubnood oo u badan Wasiiradiisa oo diyaarinaya munaasabadda lagu maamuusayo 22-sano guuradkii kasoo wareegtay aas-aaska Dowlad Goboleedkaas.

- Advertisement -

Shaqada ugu weyn oo ay qabanayaan waa in ay agaasimaan xafladda xuska 1-da Agoosto, diyaarinta dadka la casuumayo, meesha lagu qabanayo, qaabka loo dhigayo iyo goobaha uu Hogamiyaha tagayo.

Hogamiye Deni ayaa xubnaha guddiga ka dalbaday in ay guda galaan waajibaadka horyaalla, maadaama 12-Cishe ay heystaan, lagana doonayo in ay agaasimaan munaasabad heerkeedu sareeyo.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah:

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka, Dalxiiska iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cali Xirsi (Guddoomiye)
  2. Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Harumarinta Qoyska Aamina Cismaan X Jaamac (Xubin)
  3. Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Maxamed Xasan Ciise (Xubin)
  4. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada Maxamed Cabdulqadir Cusmaan (Xubin)
  5. Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Federalaynta Maxamed Musadaq Maxamed (Xubin)
  6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gen. Yaasiin Cumar Yuusuf (Xubin)
  7. Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)
  8. Agaasime ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada, Cabdiweli Cali Cabdulle (Xubin).

Sanad waliba Dowlad Goboleedka Puntland waxa ay maamuustaa 1-da Agoosto oo ku beegan kolkii la dhisay Dowlad Goboleedkaas, xili dalka uu ka socday dagaaladii sokeeyay, kadib markii dowladdii Militariga ahayd ee dalka waqti dheer maamuleysay la riday.

Aas-aaska Dowlad Goboleedka Puntland waxaa uu dagaal ku dhexmaray xubno kasoo jeeda deegaanadaas oo isku qabtay hoggaaminta maamulka Puntland, balse markii dambe axdiyo heshiisyo ah ayay ku gaareen in 4-tii sanaba mar doorasho la qabto.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More