Hogamiye Deni oo Magacaabay Wasiiro iyo Ku xigeenno.

Sida ku cad warqad kasoo baxday Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa magacaabay Wasiiru iyo ku xigeenno.

- Advertisement -

Xubnaha la magacaabay, Hogamiye Deni waxa uu sheegay in uu kala tashaday ku xigeenkiisa, isla markaana lagama maarmaan noqotay, kadib markii uu arkay qodobka 80-aad ee dastuurka maamulkaas.

Warqadda ayaa sidaan u qorneyd:

Madaxweynaha Xukumadda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Hogamiye Lr.45 ee 22d May 2020 kuna saabsan magacaabid Wasiiro iyo Wasiiro Ku xigeeno ee Xukumadda Puntland.

Madaxweynaha Xukumadda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Xukumadda Puntland Qodobkiisa 80-aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda shaqo

Marku la tashaday: Hogamiye Ku-xigeenka Xukumadda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Eng. Cabdullahi Cali Xirsi (Timacade) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska
  2. Waxaa Eng. Maxamuud Xaaji Saalax loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda
  3. Waxaa Cabdi Ibrahim Warsame (Qawdhan) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda
  4. Waxaa Ismaacil Saleeban Geelle loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDRta
  5. Waxaa Axmed Siciid Ismaciil (Qolombe) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Biyaha, Tamarta iyo Macdanta
  6. Waxaa Saynab Ismaciil Maxamed loo magacaabay Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Deeganka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda
  7. Waxaa Maxamed Axmed Xasan loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqalaha, Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha

8. Waxaa CabdiqaniAxmed Ismaciil (Deero Dile) loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Xirirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqalaha.

Xeerkani wuxuu dhaqan galayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More