Hogamiye Deni oo Odoyaasha Beelaha Mudug ugu baaqay in ay…

Hogamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ku sugan waxa uu la kulmay Odoyaasha iyo Waxgaradka Gobolka Mudug, isaga oo kala hadlay xaaladda amni iyo wax ka qabashada maleeshiyaad beeleedyada ku lugta leh falalka amni darro.

- Advertisement -

Image may contain: 8 people, indoor

Deni waxa uu bogaadiyay doorka ay ku lahaayeen Odoyaasha iyo Waxgaradka nabad ka gaarista Colaad maleeshiyaad horay ugu dagaalamay Deegaanno katirsan Gobolka Mudug gaar ahaan Galdogob.

Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

“Hogamiye Deni waxa uu bogaadinayaa dadaalka iyo doorkii ay ku lahaayeen Odoyaasha iyo waxgaradka Mudug xal ka gaarista isku dhicii maleeshiyo beeleedyada, waa muhiim in loo istaago Amniga, nabadeynta iyo horumarka” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Madaxtooyada Puntland.

Image may contain: 6 people, people sitting

Dhankiisa waxa uu Odoyaasha ka dhageystay warbixin ku saabsan qorshihii ay u adeegsadeen xal ka gaarista dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolka Mudug, qodobada lagu xakameynayo isku dhacyada iyo shuruudaha kale ee xoojinaya xasiloonida.

Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Hogamiyaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in waxa uu Hay’adaha ammaanka faray in ay gacan adag ku qabtaan maleeshiyaadka hubka ku heysta deegaannada Miyiga Gobolka Mudug oo dilalka aanooyinka kasoo bilawdaan.

Image may contain: 3 people, people sitting and crowd

Puntland caqabadda ugu weyn ee ka heysta Gobolka Mudug waa isku dhacyada dhalinyarada u abaabulan hab beeleedka, mararka qaar waxaa ku biira Ciidamada Maamulkaas oo dhowr jeer looga digay.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More