Hogamiye Deni oo Waqooyiga Gaalkacyo Salaadda Ciidda la…

Siciid Cabdullaahi Deni Hogamiyaha DG Puntland oo ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug ayaa salaadda Ciidul Adxaa la tukaday shacabka Magaaladaas.

- Advertisement -

Image may contain: 2 people

Ammaanka Magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaa la joojiyay isu socodka Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan, kaliya waxa ayaa la ogolaa kuwa ay wataan madaxda Madaxtooyada, Gobolka iyo kan Degmada.

Image may contain: 12 people, people standing

Sababtu waa cabsida waayihii dambe laga qabay Gawaarida loo adeegsado Qaraxyada, si gaar ah Goobaha ay isugu tagaan Hogamiyayaasha iyo mas’uuliyiinta kala duwan ee Magaalada Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug.

Image may contain: 3 people

Wixii ka dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta loo adeegsaday oo ay sheegatay Al-Shabaab, laguna dilay Guddoomiyihii Gobolka Mudug, waxaa la xadiday dhaq-dhaqaaqyada Gaadiidka xiliyada munaasabadaha ay jiraan iyo in ay u dhawaadaan xarumaha, Saldhigyada iyo meelaha ammaankooda la adkeeyo.

Image may contain: 11 people

Hogamiye Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabkii Salaadda Ciidda u tagay Masjidka Xaaji Cali Biixi ee Magaalada Gaalkacyo ugu baaqay in ay ku dadaalaan wadajirka, xasiloonida iyo la shaqeynta maamulka.

Image may contain: 1 person, closeup

Gacan qabashada dadka danta yar waxa uu tilmaamay in ay muujineyso isku xirnaanta bulshada qaybaha kala duwan, si gaar ah maalintaan ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in la xusuusto qoysaska tabaaleysan.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More