Hogamiye Farmaajo oo Dhuusamareeb kula kulmay qaar kamid…

Hogamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay ku hoyday Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guud la sameeyay Hogamiyayaasha halkaa ku sugan.

- Advertisement -

Xubnaha uu la kulmay waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maalmo uga sii horeeyay, Wasiirka Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Cabdi Maxamed Sabriye, Hogamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor, Hogamiyaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Hogamiyaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Inta kulanka guud uu socday waxa ay isaga xog wareysteen xaaladda dalka, xiriirka aan wanaagsaneen ee ka dhex jira Hogamiyayaasha Heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed iyo arrimo kale oo ku saabsan Shirka labada dhinac ay ku ballansan yihiin.

Kulan gaar ah waxaa wada yeeshay Hogamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ah marti geliyaha madaxda heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed.

Waxyaabaha ay isku soo hadal qaadeen waxaa kamid ah Shirka Golaha Amniga ee maanta lagu wado in uu ka furmo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana shir guddoominaya Hogamiye Farmaajo, kulanka Shanta Hogamiye Goboleed iyo Hogamiyayaasha DFS ee xaaladda dalka la isaga wareysanayo iyo ka gudubka caqabadaha jira iyo xal u raadinta waxyaabaaha keenay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Axadle u sheegay in Shirka labo qayb loo kala qaaday, kan koowaad looga hadli dooni kulanka guud oo uu shir Guddoominayo Hogamiye Farmaajo, halka wajiga labaad la guda gali doono xaaladda Doorashada, siyaasadda iyo geedi socodka.

La soco wixii kasoo kordha.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More