Hogamiye Farmaajo oo galabta lagu soo dhaweeyay…

Hogamiyaha Jambuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

- Advertisement -

Hogamiye Farmaajo iyo wafdi la socdo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Hogamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Madaxweynayaasha Shirshabeelle iyo Koofur Galbeed, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada golle ee Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale.Image may contain: 5 people, people standing, suit and outdoor

Goroonka Dhuusamareeb ayaa amaankiisa aad loo adkeeyay waxaa halkaasi lagu arkaayay ciidanka Koofiya casta ee Madaxtooyada Soomaaliya,kuwa Galmudug iyo ciidanka AMISOM oo fariisimo ka samaystay banaanka Garoonka Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa garoonka la keenay boqolaal shacab ah oo qayb qaadanayay soo dhaweynta wafdiga Hogamiyaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo safarkiisii 3 aad galabta ku gaaray Dhuusamareeb intii uu xilka haayay.

Image may contain: 8 people, crowd and outdoor

Soo dhaweyn kadib Hogamiyaha ayaa waxaa galbiyay gudaha Magaalada,halkaas oo boqolaal shacab ah ay soo dhaweyn ugu sameeyeen.Image may contain: 8 people, people standing and outdoor

Safarkaan kii horeeyay Hogamiye Farmaajo waxa uu Dhuusamareeb ku tagay Sep 16, 2019 xilligaas oo uu soo xiraayay shirkii dib u heshiinta beelaha Galmudug waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Madaxii Xukumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo halkaasi looga saaray dagaal qaatay ku dhawaad 24 saac.Madaxwayne Farmaajo oo booqanaya Galmudug |

Hogamiye Farmaajo ayaa Dhuusamareeb uga qaybgalaya wajiga 2 aad ee Shirka madaxda Xukumadda Faderaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada dalka kaas oo maalinta bariya ka furmaya Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad-boboleedka Galmudug.

Axadle Dhuusamareeb.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More