Hogamiye Farmaajo oo Magacaabay Agaasimaha Hab-Maamuuska…

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa Magacaabay Agaasimaha Hab-Maamuuska Madaxtooyada Soomaaliya sida ku cad warqad kasoo baxday Xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya.

- Advertisement -

Xilkaan waxaa loo magacaabay Yuusuf Xasan Salaan oo ah wiil dhalinyaro ah, isla markaana kamid ah raga firfircoon ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Yuusuf ayaa horay usoo noqday Agaasime ku Xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada, waana tan keentay in Madaxweynaha Xukumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilkaan u magacaabo.

Warqadda ayaa lasii raaciyay in tallaabadaan ay qayb ka tahay doorka dhalinyarada firfircoon lagu dhiira-gelinayo, isla markaana laga qaybgelinayo fursadaha howlaha Xukumadda Soomaaliya.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Yussuf Hassan Salan in uu noqdo Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka. Mudane Yussuf waxa uu hore u ahaa Agaasime ku Xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada, taas oo dhaxalsiisay in uu kasbado khibrad shaqo oo xoog leh” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isbada-joog noqday magacaabista iyo xil badalka uu sameynayo Madaxweynaha DFS, waxaana dhawaan uu xil ka qaadis iyo Magabaabis ku sameeyay Guddoomiyaashii Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo tan racfaanka, waxaana isla xilalkaas loo magacaabay mas’uuliyiin kale si ay usii wadaan shaqadii ay hayeen shaqsiyaadka la badalay.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More