Hogamiye Farmaajo oo xarigga ka jaray Garoonka Stadium…

Madaxweynaha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta xarigga ka jaray Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyay.

- Advertisement -

Madaxweynaha waxaa wehlinaayay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed, Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo mas,uuliyiin kale oo kala socday labada Golle ee Xukumadda Faderaalka Soomaaliya.

Kubaddii u horeysay Hogamiye Farmaajo ayaa laaday, sidoo kale Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka dib u dhiska Garoonka Stadium Muqdisho siga oo sheegay in ay tahay talaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.

Garoonka ayaa laga daah furay ciyaar u dhexaysay Kooxda Xukumadda hoose ee Muqdisho (Muqdisho City Club) iyo kooxda ciidanka xoogga Dalka ee Horseed.

Hay’addo caalami ah ayaa ka taageeray dowladda Soomaaliya gaar ahaan Midowga Yurub iyo dowladda Norway, iyadoo mashruuca taaba gelintiisa mas’uul uu ka ahaa Hey’adda NIS Foundation

Garoonka Stadium Muqdisho ayaa ka mid ahaa goobihii ku burburay dagaalada, waxaana 13-kii sano ee u dambeysay aheyd goob ciidan, sida Al-Shabaab oo mar ay gacanta ku hayeen sanadihii 2009-kii illaa 2012.

Ciidamadii Itoobiyaanka ayaa saldhig ka dhigtay sanadihii 2007 illaa 2009, Ciidamada AMISOM ayaa xarun u aheyd Garoonkaas tan iyo sanadkii 2012 oo ay ka saareen Al-Shabaab.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More