Hogamiye Qoor-Qoor oo amray in la kala dhexgalo…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku baaqay in shuruud la’aan loo joojiyo dagaal beeleed 24-saac ka socday deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud.

- Advertisement -

Hay’adaha kala duwan ee Maamulka iyo Ciidamada Xukumadda ee ka dhaw Deegaannada ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaadka dagaalamay waxa uu amray in ay kala dhexgalaan si xabad-joojin la isku haleyn karo uga hirgasho halkaa.

Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado waxaa ka socda dadaal lagu doonayo in lagu kala dhexgalo labo maleeshiyo beeleed oo ku dagaalamay deegaannada Xananbuure iyo Mareergur ee Gobolka Galgaduud.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka saacadihii uu socday oo aan tiro rasmi ah laga heyn waxa ay kor u dhaafayaan 10-ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca dad intaa ka badan oo qaarkood dhaawacyadooda la kala geeyay Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Dadka ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Wasiirkii hore Shaqada iyo Shaqaalaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi Xukuumaddii Hogamiye Xaaf oo dhaawac halis ah soo gaaray u dhintay, waxaana la dhaawacmay dad kale oo ku howlanaa waan waanta labada dhinac.

Daahir Shidane waxa uu sidoo kale ahaa Abwaan, Nabadoon, Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga dalka iyo Siyaasi mar isu soo taagay in uu qabto Xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Image may contain: 1 person, sunglasses

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More