Hogamiye Qoor-Qoor oo dib ugu laabtay Magaalada…

Hogamiyaha Dowlad Goboleedka Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo xubno u raaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland ayaa dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb oo ah Xarunta maamulkiisa.

- Advertisement -

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Garoowe waxa uu u aaday in uu ka qaybgalo Aaskii loo sameynayay Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii KMG ahayd ee Carta oo maalmo kahor ku geeriyooday Dalka Turkiga oo xaalad caafimaad loo geeyay.

Image may contain: 6 people, people standing

Sidoo kale, waxa uu ka qaybgalay Aas loo sameeyay Hogamiye ku xigeenkii koowaad ahna hogamiyihii labaad ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo isna ku dhintay Magaalada Nairobi Caasimadda Kenya.

Image may contain: 4 people, people standing

Hogamiyaha Galmudug ayaa guda galaya abaabulka Wajiga labaad ee Shirka dhexmaraya Hogamiyayaasha Xukumadda DFS iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Xukumadda Dhexe ee Soomaaliya.

Image may contain: 3 people, people standing

Soo gunaanadkii Wajiga koowaad ee Shirkii Hogamiyayaasha Maamul Goboleedyada u bilawday Sabtidii bilawgii todobaadkaan 11-kii July 2020 ee labada Cishe socday waxa uu ku dhawaaqay qabsoomidda kulanka heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee Abaabulkiisa la wado.

Image may contain: 4 people, people standing

Hogamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in uu tago Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ku sugan Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Xildhibaanno iyo Wasiiro.

Image may contain: 6 people, outdoor

Halka Hogamiyayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug, Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hir-Shabeelle ay diyaar u yihiin ka qaybgalka Shirkaas sida ay wadajir u shaaciyeen Madax goboleedyada.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More