Hogamiye Qoor-Qoor oo tagaya Deegaanno dhaca Waqooyiga…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo ku guda jira safar uu ku tagayo deegaannada maamulkaas waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu safar ku tago Waqooyiga Galgaduud.

- Advertisement -

Socdaalka Hogamiye Axmed oo ka bilawday Magaalada Dhuusamareeb waxa uu ku tagay Magaalada Cadaado, Gelinsoor ayuu kaga sii gudbay ilaa uu ku tago Magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa safarkaan ku tagaya Dhabban, Balanbale iyo Caabudwaaq, kolka uu dhameysto waxa uu dib ugu laaban doonaa Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaas.

Deegaannada uu tagayo waxaa laga soo sheegayaa xaalado nololeed oo lasoo darsay dadka halkaa kunool, halka meelaha qaar dhawaan uu ka dhacay dibadbax ka dhan ah Maamulka cusub ee Galmudug.

Magaalooyinka uu ku wajahan yahay Hogamiye Axmed Cabdi Kaariye waxaa tagay xubno hordhac u ah socdaalkiisa, si ay u abaabulaan soo dhaweynta shacabka, mas’uuliyiinta iyo xaqiijinta amniga.

Madaxweywe Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa safarkiisa ah mid dhulka ah, maadaama ammaanka Degmooyinka Galmudug ee uu tagay iyo kuwa uu ku wajahan yahay wanaagsan yahay.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More