Hogamiye Waare oo xil ka qaadis iyo magacaabis ku sameeyay…

Hogamiyaha DG Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Biyaha Iyo Tamarta Saalax Maxamed Xasan, kadib markii uu sheegay in laga maarmi waayay.

- Advertisement -

Waare ayaa xilkaan u magacaabay Xildhibaan Shucayb Cabdikariin Muumin oo katirsan Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, isaga oo faray in si degdeg ah uu xilka u wareego si uu usii qabto howlaha shaqo ee horyaalla.

Sidoo kale magacaabista madaxweynaha Waare waxa uu xilka ka xayuubiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hir-Shabeelle oo uu u magacaabay Xildhibaan Yuusuf Axmed Yalaxow.

Magacaabista iyo xil ka qaadista Hogamiyaha Hir-Shabeelle waa mid joogta ah, waxaana horay uga hor yimid Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo ay isku qabsadeen, kadib markii Guddoomiyaha uu ku dooday in waqtigaan dastuur ahaan uusan wax badali Karin sidoo kalena magacaabi Karin, maadaama waqti xileedkiisa uu sii dhamaanayo.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More