Imisa kiis oo Coronavirus ah ayaa laga diiwaangaliyay…

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xanuunka Karoona ka bogsoodeen 16 qofood taaso oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 178oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen ku dhawaad 12%dadkii uu feyrusku haleelay.

- Advertisement -

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay47 xaaladood oo kala jooga Puntiland,19 gobalka Banaadir13, Somaliland8iyo Koonfur Galbeed7.

Xaaladaha cusub42kamid ah waa rag, 5 kalana waa haween.1,502xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.
Laba ruux ayaa cudurka COVID19 ugu geeriyooday Somailand iyo gobalka Banaadir waxaana tirada guud ee geeridu noqotay 59.

Xukumadda ayaa wadda dadaallo xooggan oo looga hor tegayo, laguna xakameynayo faafitaanka Feryruska karoona, laguna yareynayo saameynta uu bulshada ku yeelanayo, waxaana dhaqan galay amarro dowladdu soo rogsay si loogu guuleysto qorshaha xakameynta iyo sare u qaadidda bed-qabka bulshada.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More