Jubaland oo soo saartay digniin culus iyo heegan la geliyay …

Kismaayo (Axadle) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saartay digniin culus oo ku aadan maalmaha ciida iyo is-dhex-galka bulshada kala jinsiga ah, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda cadaalada ee maamulkaas.

Shacabka ayaa gebi ahaanba looga digay inay isugu tagaan Xeebaha oo halis ka dhalan karto, maadaama badda ay kacsan tahay, ayada oo hay’addaha amaanka la faray in dadka ay ka celiyaan.

“Waxaa reebban in dadka loo fasaxo meelaha la isugu tago ee Xeebaha ah, Ciidamada amniga waxaa la farayaa in ay wax ka qabtaan Ragga & Dumarka is dhex-galaya, waxaa la arkay Carruur iyo dad kale oo ku dhintay Badda,” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda DG Jubbaland.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in gebi ahaanba la ogoleyn is-dhex-galka raga iyo dumarka oo inta badan maalmaha ciida lagu arko xeebaha.

Wasaaradda ayaa soo jeediSay in Ciidamada ammaanka la geeyo Xeebaha si ay uga warqabaan dhaq-dhaqaaqa dadka oo maanta oo kale aad u badan maadaama damaashaadka Ciidda ay ku jiraan.

Qoraalka Wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu mamnuucay in la qabto bandhig faneen iyo in laga shaqeeyo wax waliba oo abuuri kara amni darro, waxayna sheegtay in dadka ku xad-gudba awaamiirtan ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan laamaha amniga.

Si kastaba, arrintaan ayaa imaaneysa xili uu maamulka Jubbaland isku diyaarinayo qabashada doorashada Senatarada Aqalka sare, islamarkaana la adkeeyay ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose, ayada oo waddooyinkana la dhigay Ciidamo baaritaan ku sameynaya dadka iyo gaadiidka kala duwan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More