KENYA oo saraakiil culus u soo dirtay Gobaladda Waqooyi

6

Nairobi (Axadle) – Dowladda Kenya ayaa saraakiil culus oo ka shaqeynaya xafiiskeeda Gobaladda Waqooyi u soo dirtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Gobaladda Waqooyi.

Saraakiishan ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah madaxa xafiiska xiriirka, Charles K Waichari oo ah la -taliyaha Labaad iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -xigeennada maamulka, sid ku cad warqad ay Kenya u soo dirtay labadii bishan Gobaladda Waqooyi.

Arrintan ayaa qeyb ka ah is afgaradkii ay sanad ka hor gaareen labada dhinac oo ahaa  inay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan leh, si xoojiyo xiriirka Kenya & Gobaladda Waqooyi.

Si kastaba madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Gobaladda Waqooyi, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ku kulmay Nairobi ayaa waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Gobaladda Waqooyi waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.
In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.
In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.
In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Gobaladda Waqooyi ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More