Koofur Galbeed: Afgooye kama qeybgeli karto tartanka…

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha maamul-goboleedka Koofur Galbeed ayaa lagu sheegay in degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose aysan ka qeyb geli karin tartanka cayaaraha degmooyinka ee gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan jirin casuumaad rasmi ah oo uga timid maamulka Banaadir oo ah in degmadaas ay ka qeyb gasho tartanka cayaaraha degmooyinka.

Waxaa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu shaciyey in guud ahaan degmooyinka Koofur Galbeed aysan ka qeyb geli karin cayaaro aysan si rasmi ah ugu meteleyn maamul-goboleedkaas.

Tartanka cayaaraha degmooyinka Banaadir oo sanad walba la qabto ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka furmo magaalada Muqdisho.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More