Kulankii u horreeyay oo u socda madaxda dowladda iyo Hogamiyayaasha…

Kulankii u horreeyay ee u dhaxeeya Hogamiyayaasha dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa xilligan ka socda Xarunta Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Kulankan oo ah mid hordhac ah ayaa ka socda Xafiiska Hogamiyaha Galmudug, iyadoo kulankan uu ka dambeeyay kulamo hordhac ah oo saacadihii la soo dhaafay si gaar gaar ah ugu dhaxeeyay Hogamiyayaasha Xukumadda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.Image may contain: 3 people, people sitting, suit and indoor

Wararka ayaa sheegaya in shirkan hordhaca ah looga hadlayo is fahamka guud ee shirka soo socda, waxaana shirkan yahay mid albaabada u xiran.

Warbixin koban oo ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulanka daaranyahay “ sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka”.

Ilo ku dhow dhow kulankan ayaa sheegaya in ujeedku yahay ka tashiga shirka soo socda iyo sidii iyadoo lagu mideysan yahay ajandayaasha shirka sidii uu ku qabsoomi lahaa shirka Dhuusamareeb 2.Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Halkaan ka aqri qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO GUDDOOMIYEY KULAN HORDHAC U AH SHIRKA WADATASHIGA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA

Dhuusamareeb, Luuliyo 20, 2020; Hogamiyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Kulankan ayaa ku saabsanaa sidii loo jaangoyn lahaa qodobbada muhiimka u ah wadatashiga Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed, hannaanka geeddi socodka siyaasadda doorashooyinka iyo Amniga Qaranka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan.Image may contain: 1 person, sitting and indoor

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More