Laamaha ammaanka Hir-Shabeelle oo Baaris ka sameeyay

Magaalada Jowhar Xarunta DG Hir-Shabeelle waxaa howlgal ka sameeyay Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedkaas, Askar dhawaan la geeyay & Ciidamo katirsan DFS oo horay ugu sugnaa.

Ujeedka Baarista ayaa lagu sheegay sugidda amniga & la socodka dhaq-dhaqaaqaha Xaafadaha Magaaladaas oo maalmaha soo socda martigelinaya Ergada u tageysa Doorashooyinka heer Federaal & heer Dowlad Goboleed.

Afarta Xaafadood ee kala ah: Hanti wadaag, Horseed, Buula Sheekh & Kulmis waxaa la dhigay Ciidamada ammaanka oo lagu kordhiyay baraha ay ku sugan yihiin, iyaga oo baaraya gaadiidka nuucyadiisa kala duwan & dadka saaran.

Si gaar ah Xaafadda Hanti Wadaag ayay laamaha ammaanka xoogga ku saareen Baaristooda, maadaama ay ku yaallaan dhismaha Madaxtooyada, Wasaaradaha kala duwan, Aqalka Baarlamaanka iyo guryaha Hogaamiyayaasha kale ee Hir-Shabeelle.

Goobjoogayaal la hadlay Axadle ayaa u sheegay in ciidamada ammaanka howlgalkooda uu bilawday xalay xili dambe, isla markaana uu soo gaaray saakay waqti hore, inta baarista ay wadeen ayay ku qabteen dad ay tuhmayaan, inkasta oo qaarkood markii dambe ay sii daayeen.

Waa howlgalkii saddexaad oo muddo todobaad gudihiis ah oo Magaalada Jowhar ay ka sameeyaan Ciidamada ammaanka, dhawaan waxaa laga dejiyay Ciidamada Haramcad oo Muqdisho laga qaaday.

Sidoo kale waxaa Magaalada gaartay wufuud horudhac u ah doorashada Baarlamaanka labaad ee DG Hir-Shabeelle, halka la sugayo Ergo kale oo ka socota beelaha leh kuraasta Xildhibaannada maamulkaas.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More