Laba askari ayaa ku dhimatay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen degmada

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhimatay weerar ay al-Shabaab saakay ku qaadeen bar koontarool oo ku taal degmada Mahadaay ee gobolka Sh / dhexe, sida uu Axadle u sheegay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Iska hor imaadka oo socday ku dhowaad 10 daqiiqo ayaa ka dhacay deegaanka Buurane oo ka tirsan degmada Mahadaay ee gobolka Sh / dhexe.

“Laba askari ayaa lagu dilay barta koontarool waxaana na haleelay dhibanayaal.” Axadle ayaa u sheegay sarkaal ka tirsan militariga Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa u suuragashay inay la wareegaan kontorool ku yaala degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Hoose.

Sikastaba, Al-Shabaab ayaa markii dambe isaga baxay koontaroolka. Bartamihii bishii la soo dhaafay, dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray degmada Mahadaay ee gobolka Sh / dhexe halkaasna ay ku heysteen saacado.

Degmada Mahadaay ee ku teedsan webiga Shabeelle waxay dhacdaa koonfur-galbeed ee gobolka Shabeellada Dhexe waxayna qiyaastii 120-km dhinaca waqooyi ka xigtaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More