Maamulka gobolka Banaadir ayaa Ka Gudoomey Agab …

Duqa Magaalada Muqdishu Maxamed ayaa xaruuntiisa ku qaabilay Agaasimaha Hey’adda CIS, waxayna ka wada hadleen dadaallada Gobalka Banaadir looga caawinaayo ka hortagga cudurka Covid-ka-19.

- Advertisement -

Duqa magaalada ayaa kala wareegay agaasimaha CIS agab loogu talagalay in looga hortago faafitaanka cudurka safmarka ah ee Covid-19, waxaana agabkan  lagu gudoonsiyey dowladda hoose.

Gudoomiyaha gobolka banaadir waxaa ku weheliyey kuxigeenka gudoomiyaha gobolka banaadir ee dhanka Howlaha Guud Cumar Cali Cabdi.

Agaasimaha CIS wuxuu ballanqaaday inuu taageerayo dadka reer Muqdisho, gaar ahaan kuwa dan yarta ah ee la soo gudboonaada dhibaatooyin nololeed kala duwan.

Agaasime kuxigeenka guud ee maamulka Cumar Cali Cabdi ayaa sheegay in CIS ay kala wareegen agab ay ka mid tahay qalab looga hortago faafiista jeermiska, kaas oo looga gol leeyahay in looga hortago cudurka COVID-19.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More