Madasha Xisbiyada oo sheegay in aysan dhex dhexaad aheyn…

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ka soo saaray hadal jeedintii shalay ee Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yaray.

- Advertisement -

Madashu waxa ay ku celisay walwalka ay ka qabaan in hoggaanka dowladda Federaalka uu ka cagajiidayo qabashada doorasho waqtigeeda ku dhacda, taasoo ku qabsoonta sifo waafaqsan sharciga doorashooyinka ee habka Xisbiyada badan.

Madasha ayaa Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran ugu baaqday in ay is casilaan, ayna aheyn dhex dhexaad madaxa bannaan sida Dastuurki siiyay, kuna milmeen hoggaanka dalka, kana shaqeynayaan muddo kororsi GMDQ iyo Hoggaanka dalka ku wada joogaan.

Madashu ayaa sheegay in muddo xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 7 bisha Febraayo 2021, sidoo kale muddo xileedka Golayaasha sharci dejinta uu ku egyahay 27 November 2020, sidaas darteed ma jirto sharci u ogolaanaya inay mudada kororsadaan, kuna darsado maalin dheeri ah.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More