Madaxweyne Joe Biden oo diiday QORSHE ay la timid

Washington (Axadle) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha Israel Naftali Bennet in diblomaasiyadda ay tahay xulashadiisa koowaad, balse uu ka fakari doono kuwa kale, haddii ay fashilmaan dadaallada dib loogu soo nooleynayo wada-hadallada Nukliyeerka Iran.

Biden ayaa hadalkan sheegay kadib markii labada hoggaamiye ay Washington ku yeesheen kulankoodii ugu horreeyey tan iyo markii Bennet uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Israel, bishii June. 

“Diblomaasiyadda ayaan marka hore hormarineynaa, waana arki doonnaa halka ay na geyso,” ayuu Biden ka yiri kulanka Aqalka Cad. “Balse haddii diblomaasiyadda ay fashilanto, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashaooyin kale.”

Mar waxa laga weydiiyo xulashooyinka kale kale ee Biden uu ka fakarayo, afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki waa ay diiday inay ka hadasho.

Bennet ayaa Aqalka Cad yimid ayada oo ujeedkiisu yahay inuu Biden ka dhaadhiciyo inuusan dib ugu laaban heshiiska Nukliyeerka Iran ee la saxiixay xilligii madaxweyne Obama, balse uu ka baxay madaxweyne Trump.

Tan iyo markii Mareykanka uu heshiiska ka baxay 2018-ka, Tehran ayaa sare u qaaday kobcinta uranium-keeda oo ay gaarsiisay 63%, oo ku dhow heerka laga soo saari karo hub Nukliyeer, halka intii ay heshiiska ku jirtay ay aheyd kaliya 3.67%.

Bennet ayaa sheegay inuu Aqalka Cad la yimid xeelad looga hartagi karo in Iran ay hesho hub Nukliyeer ah, taasi oo si gaar ah uu ula wadaagay Biden. Si kastaba, wuxuu qanacsanaan ka muujiyey in isaga iyo Biden ay ka mideysan yihiin in Iran aan marna loo ogolaan inay hesho hub Nukliyeer.

“Iran waa dalka koowaad ee caalamka ee dhoofiya argagixisada, xasillooni darrada iyo xadgudubyada xuquuqda aadanaha,” ayuu yiri Bennet. 

Bennet ayaa sheegay in heshiis lala galo Iran oo ka qafiifin doona cunaqabateynada saaran uu ka dhiggan yahay inay heli doonto kheyraad ay kusii kobciso uranium-ka.

Biden ayaa caddeeyey in damciisu yahay inuu helo waddo Iran loogu celin karo heshiiskii Nukliyeer ee 2015 ee uu galay maamulkii Obama ee Biden uu ka ahaa madaxweyne ku-xigeen. 

Washington iyo Tehran ayaa waxay wada-hadallo dhowr ah ku dhex-mareen Vienna, hase yeeshee waxay istaagaan markii Iran ay gashay doorashooyinkii lagu doortay madaxweyne Ebrahim Raisi. Ma cadda xilliga ay dib u bilaaban doonaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More