Madaxweyne ka badbaaday isku day dil xilli uu ku guda jiray …

Bamako (Axadle) – Madaxweynaha kumeel-gaarka ah ee dalka Mali, Assimi Goita ayaa saaka ka bad-baaday isku day dil oo loo adeegsadat mindi ah intii lagu guda jiray salaadii Ciida-Carafo ee Masjidka weyn ee Bamako, sida ay sheegtay madaxtooyada dalkaas.

Weerarka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo mid uu mindi watay, kuwaas oo la sheegay inay usoo dhaqaaqeen dhanka Goita, kaasi oo durba ay la ordeen ciidamada amniga.

Qoraalk kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in la fashiliyey weerar lagu dili rabay madaxweyne Assimi, islamarkaana ay ka hortageen laamaha amaanka iyo ilaalada madaxweynaha.

“Weerarka waxaa durbadiiba ka awood roonaaday laamaha amniga. Baaritaannadu way socdaan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ee la xiriiray weerarka Assimi.

Madaxweyne Goita ayaa lagu soo waramayaa inaysan waxyeelo gaarin, islamarkaana uu bad-qabo, sida ay Reuters u sheegen labo kamid ah saraakiisha Millatariga.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Goita “uu amni yahay oo uu badqabo, kadib wax ay ugu yeereen isku day khaarijin.

Goita ayaa la geeyey xerada militariga ee Kati oo ku taalla banaanka axadle, “halkaasi oo amniga la xoojiyey,” sida lagu sheegay qoraalka.

Goita, waa 38 jir kornayl ka tirsan ciidamada gaarka ah, wuxuuna xukunka la wareegay bishii Juun, kadib markii labaad oo uu afgambiyey madaxweyne muddo 9 bilood gudahood ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More