Mahad Salaad oo shaaca ka qaaday XOG ku aadan kiiska Ikraan …

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadlay kiiska kraan Tahliil oo la waayey meel aan jaan iyo cirib ay dhigtay, loona heysto NISA.

Mahad Salaad oo xog ku aadan arrintan ku baahiyey bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in la dilay Ikraan, isla-markaana khaarijinteeda ay qorsheeyeen saddex mas’uul ee haatan ugu sarreysa hay’adda nabad sugida, sida uu hadalk u dhigay.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ‘in shirqoolka loo maleegay Ikraan lagu bixiyey boqlaal kun oo Dollar iyO ballan-qaadyo’ si ugu dambeyn dib loogu soo celiyo dalka, waxaana kadib u sheegay in marka ay timid Muqdisho la xadiday dhammaan dhaq-dhaqaaqeeda.

“Xog rasmi ah oo aan ka helay saraakiil sar sare oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda in muddo ahna aan dabo socday xaqiijinteeda waxay sheegaysaa in mar hore la dejiyay qorshaha lagu khaarijinayo Ikraan Tahliil. Ikraan oo dalka ka maqneed markii shirqoolka loo maleegay ayaa lagu qarash gareeyay boqolaal kun oo dollar iyo balanqaadyo been ah si dalka dib loogu soo celiyo loona khaarijiyo!,” ayaa warbixintan ku yiri xildhibaanku.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Wuxuuna ahaa qofkii ugu dambeeyay ee Ikraan ay wada hadleen kahor inta uusan go’in xiriirkeeda!,”.

Dhinaca kale Xildhibaanada Mahad Salaad ayaa hoosta ka xariiqay inuu fashilmay qorshe kale oo ay diyaariyeen hoggaanka NISA, isla-markaana la doonayey inay Al-Shabaab ku sheegtaan dilka Ikraan, balse ay ka biyo diideen saraakiil sar sare oo ka tirsan kooxdaasi oo qaraabo ay yihiin Ikraan, sida uu ku xusay warbixinta uu shaaciyey xildhibaanku.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan oo markii hore la rabay in la qariyo ayaa markii qoyskeeda qaylodhaantu ka soo yeertay Fahad Yaasiin isku dayay in uu Al-Shabaab lacag ku siiyo si ay u sheegtaan dilka Ikraan Tahliil lkn waa guul dareystay isku daygaas kadib markii ay soo farageliyeen sida la sheegay saraakiil sarsare oo Alshabaab ka tirsan qaraabo dhawna ay yihiin Ikraan,”.

Mahad ayaa sidoo kale banaanka soo dhigay sababta loo beegsaday Ikraan, wuxuuna ku sheegay labo arrimood oo xasaasi ah oo ah inay macluumaad ka heysay sida loo qorsheeyey dilkii Eng. Yariisow iyo arrimo kale oo ay ku lug leeyihiin hoggaanka NISA.

“Sababta Ikraan in la dilo loo go’aamiyay ayaa la ii sheegay labo arimood oo aad xasaasi u ah oo ay macluumaad ka heysay, kuwaas ku saabsanaa sidii loo qorsheeyay dilkii Allaha u naxariistee Eng Yariisow oo xaafiiskiisa ay madax ka ahayd iyo arimo waaweyn oo Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis ku lug leeyihiin!,” ayuu sii raaciyey Mahad Salaad.

Ugu dambeyn wuxuu kula taliyey ehellada Ikraan Tahliil inay qabsadaan areeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolkagabadhooda, si looga gun-gaaro.

“Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay qabsadaan Qareeno dabogal iyo baaritaan ku soo sameeya shirqoolka Ikraan si looga gungaaro fal dambiyeedka dhacay, loona cadeeyo cida ka mas’uulka ah!,” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyey Xildhibaanku.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More