Maxaa ka soo baxay kulamadii u dhexeeyey madaxda DG & DFS?

Kulan-doceedyo qaatay 3 maalin oo xiriir ah MW Farmaajo iyo madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa gaaray isu soo dhowaansho iyo isafahan horsdeeday in ay dhammaan ay yeeshaan kulan wadajir ah oo kadhacay madaxtooyada DG Galmudug oo marti-gelisay kulanka wadatashiga xukuumadda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

- Advertisement -

Kulamada oo si gaargaar ah u dhexmaray madaxweyne Farmaajo & madaxweynayaasha dowladgoboleedyada ayaa salka ku hayey intooda badan xiriirka & Wadashaqeynta labada heer ee dowladda Federaalka, Doorashooyinka iyo xiriirka shaqsi ahaan madaxweynaha kala dhexeeya dowlad-goboleedyda qaarkood sida Jubbaland & Puntland.

Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, Nuuca, Qaabka iyo muddada ay qabsoomayaan oo kamid ah arrimaha doodda adag ay ka dhalatay ayaa ku saleysan 3 aragti oo waaweyn kuwaas oo dhinacyadu kala taagnaayeen.

  1. Hogamiye Farmaajo ayaa si adag u taagnaa illaa gelinkii dambe ee Axaddii 19-July-2020 in doorashooyinku yihiin qof iyo cod, loo raaco sida ay qabaan Dastuurka iyo Xeerka doorashooyinka islamarkaana loo daayo Baarlamaanka iyo guddiga doorashooyinka.
  2. Hogamiyayaasha Dowlad-goboleedyada ayaa qabay islamarkaana qaarkood si adag u difaacay in maaddaama aanay suuragal ahayn qabashada doorasho qof & cod ah marka la qiimeeyo muddada harsan aysanna maangal ahayn muddo-kordhin ay doorashadu noqoto doorasho dadban sidii xaalku ahaa 2016
  3. Xafiiska raisalwasaare Kheyre oo qabay aragtida dowlad-goboleedyada ayaa qaba Aragtida 3aad oo ah in xal dhexdhexaad ah loo gaaro sida wadajir, xalkaas dhexe oo aan si rasmi ah lo qeexin ayaa ah in la kordhiyo lana dhiirrigeliyo Sharciyadda doorashooyinka (Enhance Legitimacy) iyo in la badiyo sida ugu suuragalsan magaalooyinka ay codeyntu adhici karto

Xaggee loo bada yahay?

Dowlad-goboleedyadu waxa ay aad xoogga u saarayaan in ay kaalin iyo gacan weyn ay ku yeeshaan doorashooyinka Baarlamaanka sidaas awgeed waxa ay intooda badan taageerayaan aragtida doorasho dadban oo ay kujirto aragtida 3aad ee qabta in la kordhiyo lana dhiirrigeliyo Sharciyadda doorashooyinka oo macnaheedu yahay in la kordhiyo tirada dooraneysa kursiga Baarlamaanka, madaxweyne Farmaajo oo aad ugu dheganaa aragtidiisa doorasho qof iyo cod ah ayaa hadda u muuqda in uu illaa heer ka tanaasulayo islamarkaana kaqaybqaadaayo xalka dhexe ee suuragalka ay tahay in doorasho ku dhacdo.

Sida ay howl-wadeenku kulanku u sheegeen Axadle waxaa suuraga ah in muddadi la filayey mid kayar ay ku dhammaato howsha shirku, taas oo macnaheedu yahay in madaxda labada heer ee dowladda federaalku gaarto xal guud oo siyaasadeed (Consensus)

Shaatax: Bulshada Rayidku waxa ay taageereysaa heshiis ku yimaada Wadar-ogol”

Axadle

Dhuusamareeb

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More