Maxaa looga hadlay kulanka Wasiir Cawad iyo James Swan?.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise ayaa kulan la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan.

Kulanka oo ka dhacay Xarunta wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxaa loog hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , ee arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda arimaha dibada Soomaaliya.Image may contain: one or more people, people sitting and indoor

“Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan”.

- Advertisement -

“waxa uu kala hadlay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey , arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri qoraalka.Image may contain: 1 person, sitting and indoor

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay horumarada laga sameeyay dib u heshiisiinta qaran iyo wadahadalka siyaasadeed ee Soomaalida si loo gaaro horumar dhanka nabadda ah iyo is-oggol ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka bilowga sanadka 2021.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy