Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga oo dhowr

Muqdisho (Axadle) – Golaha Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa is-faham horudhac ah ka gaaray dhowr qoddob oo kamid ah qoddobadii dib u soo cusbooneysiiyay khilaafka doorashooyinka dalka, sida ay Axadle u sheegen illo xogogaal ah.

Musharaxiinta Mucaaridka iyo Golaha oo kulamo ku yeeshey Caasimadda Muqdisho ayaa isku fahmay in gebi ahaanba meesha laga saaro lacagta diiwaan-gelinta ergada ee CID-da iyo in la yareeyo qiimaha ay musharaxiinta ku qaadanayaan warqada dembi la’aanta.

Sidoo kale waxay labada dhinac isla qaateen in mudaneyaasha xiligan ka tirsan baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaaday ee labada gole aan looga baahneyn warqada dembi la’aanta ee CID-da.

Xogta aan ka helayno qoddobada is-fahamka ay ka gaareen Musharaxiinta iyo Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa intaas kusii daraya in la isla qaatay qoddobka ka hadlaya bulshada rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa Golaha Shacabka.

Sida ay Axadle u sheegen illo ku dhow-dhow labada dhinac, madaxweynayaasha Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid in wax ka bedel lagu sameeyo qoddobka ka hadlaya odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada beesha.

Sidoo kale waxa jira qoddobo aan weli is-faham laga gaarin, ayada oo labada dhinac u ballameen kulamo kale, si hoos loogu dhigo khilaafka cusub ee ka dhashay habraaca doorashada ee awooda badan siinaya madaxweynaasha maamul goboleedyada.

Si kastaba, waxaa lagu wadaa in is-fahamka laga gaaray dooda habraaca cusub ee doorashooyinka si rasmi ah loogu shaacin doona kulamada ugu soo horeeya ee Golaha Wada-tashiga Qaran oo toddobaadyo kadib la sheegayo in markale uu qabsoomi doono.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe iyo Deni ayaa maanta isaga tegay Muqdisho. Axmed Madoobe ayaa ku laabtay magaalada Kismaayo halka Deni uu u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More