Muxuu yahay dowrka madaxweynaha Eritrea muranka wabiga…

Hogamiyaha waddanka Eritrea Isaias Afwerki ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey la arkayey isaga oo u kala dabqaadaya Addis iyo Qaahira, inkasta oo dhan lagu tiriyo sida ay cadeeyeen ilo diblumaasiyadeed.

- Advertisement -

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa shalay ka degay magaalada Asmara, halkaas oo uu wadahadal kula leeyahay madaxweyne Eritrea Afwerki labadii sano ee la soo dhaafay ay xulufo ahaayeen.

Ujeedka ugu weyn ee shirka halkaas ka socda ayaa loo malaynayaa howl la xiriirta muranka webiga Niil ee waddammo badan oo reer galbeed daawadiisa heli waayeen.

“Eritrea in dhinaca Masar ay u janjeerto ayaa la qorayaa, weliba wargeysyada Carabtu ay sheegayaan. Tan labaad Eritrea aad iyo aad ayey ugu tiirsantahay mucaawanada ay dalalka Khaliijku bixiyaan, kuwaas oo haatan aad u dabataagan Masar,” ayuu yiri Faysal Rooble oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika lana hadlay BBC.

Falanqeeyayaal ayaa u arka biyaha niilka, miino muddaysan, oo mar uun Geeska Afrika ku qarxi doonta hadii ay sii socdaan khilaafyada labada dhinac ee awooda milati leh.

Dalal badan oo Reer Galbeed ah oo uu Maraykanku ugu tun weyn yahay ayaa dhawr jeer isku deyey inay xal u helaan muranka, hasayeeshee dedaalladaas ayaanan wax natiijo ah laga gaarin.

Inta badan dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa Masar ku garab istaagay khilaafka ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil ee kala dhaxeeya Itoobiya, balse waxaa go’aankaas kasoo hor jeestay Soomaaliya, Jabuuti iyo Qadar.

Shir aan caadi ahayn oo ay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta ku yeesheen qaab muuqaal ah ayaa lagu soo bandhigay qodob dhigaya in Masar lagu taageero mowqifka ay ku diiddan tahay in la buuxiyo biyo xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Niil.

Qaraar laga soo saaray gabagabadii kulankaas ayaa lagu sheegay in “amniga biyaha ee Masar iyo Suudaan uu qeyb muhiim ah ka yahay amniga qaran ee dalalka carbeed”.

Dhinaca kale, qaraarka Jaamacadda Carabta wuxuu dhigayaa in saddexda dal ee kala ah Masar, Itoobiya iyo Suudaan ay miiska wadahadalka dib ugu laabtaan, iyadoo la eegayo danaha muhiimka ah ee dal walba uu ka leeyahay arrintaas.

Hase ahaatee saddexda waddan ee dhinaca goonida ah ka istaagay, oo ay ku jirto Soomaaliya ayaa sheegay in go’aankaas uusan wax faa’iido ah u lahayn danaha shacabkooda.

Warar ayaa sheegaya in saddexda dal ee ku gacan seyray qaraarkaas ay yeelan doonaan shir gaar ah.

Biyo xireenka Itoobiya, oo ay dhismihiisa ku baxeyso lacag dhan 4 bilyan oo doolar ayaa lagu wadaa in laga dhaliyo koronto awooddeedu ay gaarsiisan tahay ilaa 6,000mw.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More