Nin Soomaali ah kuna eedeysan Gudbinta Daroogo oo xukun lagu

Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo ah 28-sano jir Soomaali ah ayaa la horgeeyay Maxkamad kadib markii lagu helay gudbinta daroogo, isla markaana uu isaga qudhiisaba qirtay falkaas.

Ninkaan ayaa Soomaaliya ka tagay kadib markii dagaaladii ka dhacay dalka lagu dilay Aabihiis, waxaana uu dhexda u xirtay sidii uu u maareyn lahaa noloshiisa & Eedadiis oo la nool sida uu maxkamadda kahor qirtay.

Maxkamad Degmo oo ku taalla Mareykanka ayaa lasoo taagay Maxamed Cabdullaahi Maxamed Khamiistii isaga oo wajahaya eedeyn ah dambiga 3-aad (C) oo ciqaabta ku xusan noqon karto 20-sano oo xarig ah.

Xabsiga ayaa laga soosaaray isaga oo xiran labiska Maxaabiista, waxaana afka ugu xirnaa Marada loo arkay in ay qayb ka tahay kahortagga xannuunada Neefta la isugu gudbiyo (Face mask).

Eedeynta culus ee uu wajahayo Maxamed Cabdullaahi waa gudbinta Daroogada loo yaqaan (Cocaine) oo Mareykanka la dagaalanka ka ganacsiga daroogadaan u qaabilsan waax si gaar ah ugu tababaran.

Nancy Torresen oo ah Garsooraha Maxkamadda la geeyay Maxamed ayaa ku xukuntay 27-bilood oo xukun xabsi ah una dhigma (2-sano & 3-bilood), waxaana intaas u dheer 3-sano oo uu ku qaadanayo kormeer joogto ah si loo waafajiyo xeer ciqaabaadka ugu fudud ee kiiska uu galay.

Maxkamadda go’aanka gaareysay waxaa goobjoog ka ahaa toboneeyo qoyskiiska ah si ay ula socdaan Xukunka ku dhacaya wiilkooda, maadaama qiraal laga hayo, loona gudbiyay maxkamaddaan.

Maxamed Cabdullaahi & Eedadiis waxa ay Mareykanka galeen isaga oo 11-sano jiro, 5-sano kadib markii aabihiis lagu dilay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, halka isaga & Eedadiis Faadumo ay ku dhaawacmeen qarax, kahor inta aysan tagin Mareykanka oo sanad ahaan ku beegan 2003-dii.

Faadumo Cali waa Eedada Maxamed, iyada oo ilmeyneysa ayay la hadashay Garsoorayaasha xukumay wiilkaan oo garab u ah, maadaama dhaawaca ku gaaray Soomaaliya uu dhibaato u geystay lixaadkeeda, sidaas awgeed ayay u codsatay in aysan ka maarmin garabsiintiisa.

Booliiska ayaa dabagalay xiriir Telefoon ee Maxamed Bishii June 2018-kii, xiligaas waxa uu la hadlay mid kamid ah shaqsiyaadka ka Ganacsada Daroogada oo ay ku kulmay wadada Howe Street ee Lewsiton sida ku cad warqadda maxkamadda, kadib baaris lagu sameeyay gaari ay raaceen ayaa laga dhex helay daroogadaas oo ugu dambeyn loo gudbiyay Maxkamad.

Isha: Sun Journal   /  Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More