Qarax Miino loo adeegsaday oo ka dhacay Degmada Hodan…

Qaraxaan ayaa ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Taleex iyo Xaaji Baasto, wadada Maka Al-Mukarama, waxaana laga maqlay jugtiisa inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

- Advertisement -

Qaraxa ayaa ahaa Miino lagu dhulka lagu aasay, waxaana ku dhaawacmay saddex ruux oo 2-rag ah iyo Haweeney sida Axadle ay u sheegeen dad ka agdhawaa halka Qaraxa uu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka DFS ayaa xiray wadada uu qaraxa ka dhacay, Gaadiidka iyo isu socodka dadka ayaa joogsaday, waxaana la qaaday dadka waxyeeladu gaartay si loo daweeyo.

La soco wixii kasoo kordha.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More