Qoor Qoor oo kulamo ka bilaabay Cadaado + Ujeedka – Caasimad…

Cadaado (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo gaaray magaalada Cadaado ayaa lagu soo warrmayaa inuu kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaas oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Qoor Qoor ayaa socdaalkiisa kusoo maray deegaanka Baxdo, isaga oo kulamo lasoo qaatay waxgaradka deegaanka oo uu kala hadlay inay qaataan doorkooda ku aadan howl-gallada iyo dagaallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada maamulkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug oo ay la socdaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa ayaa haatan kulamo kala duwan oo looga arinsanayo amniga ka wada magaalada Cadaado.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in kulamada Cadaado looga hadlayo sidii loo taageeri lahaa ciidamada huwanta ee howl-gallada ka wada Mudug.

Waxaa kualmadaas  sidoo kale ka qeyb-galay maamulka degmada & saraakiisha ciidanka oo ballan-qaaday inay ka qeyb-geli doonaan dagaalka, si looga adkaado Al-Shabaab.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maalmahan booqasho ku joogay gobolka Mudug, wuxuuna kormeeray deegaanada lagala wareegay Al-Shabaab, sida Qeycad iyo Qodqod.

Galmudug ayaa haatan xooga saareysa sidii ay dib ugu qabsan laheyd deegaano iyo degmooyin ka tirsan Mudug oo ay muddo sanado ah gacanta ku heyso Shabaab.

Si kastaba xaaladda koonfur gobolka Mudug ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana ka socda dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidamada huwanta ay ka wadaan halkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More