Ra’iisul wasaaraha KMG ah oo Xariga ka Jaray Machadka sare…

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha xukumada waysay kalsoonida Golaha shacabka ayaa maanta xariga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga dalka oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

- Advertisement -

Ujeedka loo aas aasaay machadkaan ayaa lagu sheegay in ay tahay kordhinta xirfadaha iyo kor u qaadida daraasaadka amniga dalka sida ku cad warqoraal ah uu baahiyay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

Mahdi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in Xukumadda Faderaalka dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga dalka isla markaana hormarin lagu samaynayo waaxyaha amaanka dalka.

Halkaan ka aqri qoraal lagu daabay Barta xiriirka bulshada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

Ujeedada machadka loo aasaasay ayaa ah kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaqay hagaajinta amniga dalka.

Xukumadda ayaa dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga dalka, waxaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka, arrintaas oo sahashay in deegaanna badan oo argagaxisadu ay dadka ku dhibaateyn jirtay dib loogu soo celiyay gacanta dowladda, ayna noloshii caadiga aheyd dib uga billaabatay.

- Advertisement -

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More