Raysal Wasaare Khayre oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Sweden

336,517

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Danjiraha cusub ee Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Staffan Tillander.

- Advertisement -

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xariirka ka dhexeeya labada dowladood iyo labada shacab, iyo sii wadidda taageerada dowladda Sweden ay qaybta uga qaadato dib u kabashada Soomaaliya.

Sweden waxa ay kamid tahay dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya oo waqtiga dheer qaybta ka ahaa dadaallada lagu horumarinayo dhaqaalaha iyo amaanka Dowlada Soomaaliyeed.

Sidoo kale in tii kulanku socday waxa ay isla soo hadal qaadeen arimaha Gar gaarka Soomaaliya iyo sida ay Sweden uga qayb qaada karto.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa October 16, 2019 warqadaha safiirnimo ka guddoomay danjire Staffan Tillander oo bedelay safiirkii hore ee Sweden, Andreas von Uexküll.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More