REER MUQDISHO WAAN IDINLA XANUUNSADAY

1,607

Waxaan si weyn uga damqaday xasuuqa wuxuushnimada ah oo maanta taariikhdu tahay 28-ka Diseembar 2019 loo geystay dadka reer Muqdisho oo u kalahayey goobahooda shaqo iyo waxbarasho. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada intii ku dhimatay weeratkaan bahalnimo iyo guud ahaan dadka ku dhaqan magaaladan, kuwa dhaawaca ahna waxaan rajaynayaa in ilaah boogahooda deg deg u bogsiiyo.

- Advertisement -

Walaalayaal sidaad ogtihiin muddo 30 sano ah dadka reer Muqdisho waxaa ku socday xasuuq siyaabo kala duwan ku imaanayey, mana ahan mid joogsanaya haddii aan la joojin.

Xasuuqyada iyo dilalka bahalnimada ah ee Muqdisho ka socdaahi maahan kuwo qadiyad iyo hadaf quman ku salaysan.

Waa kuwo ay maleegayaan cadow doonaya inuu naafeeyo ama kala gaabiyo dadka magaaladan ku dhaqan. Haddaba si masiibooyinkaan loo hakiyo waxaan soo jeedinayaa in reer Muqdisho waxgaradkoodu kulmaan, waxna isweydiiyaan sababta waxaani ugu dhacayaan.

Cidda rasmiga ah ee meesha fog kasoo abaabusha. Ujeedada laga leeyahay kala gaabanta dadka Muqdisho.

Caqligal maahan in la yiraahdo qarax baa dhacay, Al-Shabaab ayaa ka dambaysay, sheekaduna halkaas ku xiranto. Al-Shabaab waxay sheegataa inay la dagaalanto gaalo duulaan ku ah diinta, dadka iyo dalka Soomaaaliya.

Ruux diin iyo damiir leh ama aayo ummadeed u dagaalamayaa kuma dhiiran karo inuu biri-magaydo boqol boqol u xasuuqo.

Sidaas darteed waxaan marlabaad waxgaradka magaalada usoo jeedinayaa in marka la ogaado cidda waxaan abaabusha jawaabo isdifaac ah loo diyaariyo. Sax maahan in lays-qibleeyo oo geerida uun la sugo.

Waxaa haboon in Muqdisho degmo, degmo iyo xaafad, xaafad isku abaabusho, layskana kaashado sidii loo siibi lahaa tiirarka shaydaanka sida arxan darada ah wax u gumaadaya.

Reer Muqdisho ha ogaadaan inaysan jirin cid ay amaankooda ku haleyn karaan ama dowlad difaacaysa danahooda.

XAYEYSIIN

Comments
Loading...

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More